DHAGEYSO:Ra’isulwasare Soomaaliya oo bogaadiyay deeq uu Bankiga aduunka Soomaaliya Siiyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtey Madaxtooyada Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in Bangiga Aduunka lacag dhan 45 malyan oo dollar kusoo shubay Bangiga Dhexe.
Waxaa uu sheegay Kheyre in lacagtaas ay Dowladda soomaaliya u adeegsan doonto arrimo ay kamid yihiin,horumarinta Arrimahaa Bulshada iyo in lagu dhiso kaabayaasha Dhaqaalaha dalka.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in laba sano ka hor u Bulshada Soomaaliyeed u sheegay in la geli doono xilli Barwaaqao ah xilligaana ay barwaaqadii la sugaayey bilaabatay waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed wuxuuna xusay in ku dhawaad Sodonkii Sano ee dalku dowlad la’aanta ahaa shacabka SOomaaliyeed ay ganacsatadu badbaadiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here