Dhageyso:Roobab ka da’ay qaybo ka mid ah soomaaliya

Roobka dayrta ee sanadkan ayaa ka curtay gobolada dalka soomaaliya iyadoo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ayey qaybo ka mid ah wadanka.
Gobolada bari ee dalka Soomaaliya waxaa laga sheegay in roobabka halkaa ka da’ay ka dib la arkay ayax loo maleeynayo koronkoradii uu ka tagay ayaxii gugii dhawaa lagu arkay qaybo ka mid soomaaliya iyo dalal kale oo qaaradda Afrika ka tirsan.
Degmada Guriceel waxaa ay ka mid tahay meelaha uu ka da’ay roobka dayrta ee sanadkan
Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa qaar ka mid ah shacabka deegaanka ka wareystay roobabka lagu diirsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here