DHAGEYSO:Roobab Xooggan oo Gobolka Bakool ka da’ay iyo Saamayn ka dhalatay.

Deegaano ka mid ah Gobolka Bakool Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa Saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab Lixaad leh oo Saamayn ay ka soo gaadhay shacabka ku nool deegaanadaasi.
Ku dhawaad 48 saacadood oo xiriir ah ayay Roobabkaan ka da’ayeen Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo deegaanada ku dhow.
Wallow ay dadka beeralayda ah iyo Xoola dhaqatadu si weyn ugu diirsadeen roobabkaan ayna soo dhaweeyeen Raxmada ALLE hadana waxay daadadku ugu Galeen Cooshashkii ay ku noolaayeen dadka barakacayasha ee ku nool xerooyinka ku yaala degmada Xudur.
Dadkaan danyarta iyo barakacayaasha isugu jira oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xaalado adag wajahayaan ayna u baahan yihiin,hoy ay qabowga iyo cadceeda ka galaan,Wax ay Cunaan iyo iyo sidoo kale Maraganeecooyin maadamaa xiliyada Roobka ay Ganeeco badan dhalato.

 

Cali Xassan Ganeey waa Horjoogaha Kaamka Moorashallane ee ay dadkaan ku nool yihiin wuxuuna faahfaahinayaa dhibaatooyinka ay dadkaan Barakacayaasha ah qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here