DHAGEYSO:Saameynta daadadka oo laga dareemayo xeryaha qaxootiga

Waxay weli xaalad cakiran ka jirtaa qeybo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dadaab kaddib roobab culus oo maalmahan halkaas ka da’ay kuwaas oo sababay khaasare naf iyo maalba leh.
Inta la xaqiijiyay gabadh 11 bilood dhallan ayaa ku dhimatay xerada qaxootiga ee Dhagaxleey kaddib markii guri ay ku jirtay ay ugu galeen biyo xad dhaaf ah.
Sido kale boqolaal ka mid ah guryaha dadka qaxootiga ayay biyuhu galeen qaar badan oo kamid ahna way dumeen.
Aabihii dhalay gabadha biyaha roobka ku dhimatay iyo mid ka mid ah goobjoogayaashii dhacdadaas ayaa warbaahinta Star u warramay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here