DHAGEYSO:Sababta Dowladda u soo daabici la’adahay lacag Cusub oo la shaaciyay

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedraalka Soomaalya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhowr mar oo hore sheegay in Dowladda Soomaliyeed ay soo daabici doonto lacago Cusub,hayeeshee aysan dhicin inay Taalabaad dowladu qaado,waxaana la shaaciyey sababta weli loo soo daabici la’yahay lacag Cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in sababo la xiriira awood dhaqaale loo soo daabici la’yahay lacag Cusub oo Shillin Soomaali ah.
Senator qaybdiid oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in hadda Soomaaliya inta badan deynta laga cafiyey,isla markaana ay ku dhow dahay in Soomaaliya ay sameysato lacag Cusub sida uu hadalkiisa u dhigay.

Lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ee Shillin Soomaaliga ah ayaa ah Kun ashilin oo kali ah,waxaana lacagta Shillinka Soomaaliga ah ay inta badan noqotay mid duugoowdey ayadoo shacabku ay si weyn u danaynayaan in la soo daabaco lacago cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here