DHAGEYSO:Saddex qof oo ku dhaawacmay iskudhacyada Narok

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok

Waxaa isbitaal ku yaalla degmada Olenguruone ee ismaamulka Nakuru la dhigay saddex qof oo ay dhaawacyo culus ka soo gaareen dagaal beeleed saameeyay dowlad deegaanka Narok.
Wararka ayaa intaa ku daraya in aroornimadii hore ee saaka ay dagaallada dib ugu soo cusboonadeen tuulo halkaas ku taalla.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok, Samuel Kimiti ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da ay howlgallada amniga lagu sugayo qeyb ka noqonayaan.
Waxaa uu digniin u diray cid kasta oo ku howlan fal wax u dhimaya xasiloonida iyo wadajirka bulshada.
Dhalinyarada ayuu uga digay in siyaasad ama dano kale oo gaar ah loo adeegsado

Wararka ayaa intaa ku daraya in iskudhacyada oo salka ku haya dhaca xoolaha ay u gudbeen dhanka xadka ay wadagaan ismaamullada dariska ah ee Narok iyo Nakuru halkaas oo laba qof lagu dilay waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee ay jeedinayaan mas’uuliyiinta diimeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here