DHAGEYSO:Safaricom Foundation iyo ismaamulka Mombasa oo iska kaashaday mashruuc caafimaad

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom qeybteeda fulisa barnaamijyada bulshada ee loo yaqaano Safaricom Foundation iyo dowladda ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa iska kaashaday mashruuc la xiriira caafimaadka.
Barnaamijkan oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo nolosha hooyooyinka iyo dhallaanka ayaa waxaa ku baxaya qarash dhan 12 milyan oo shilin.
Isbitaalka guud ee gobolka xeebta ayaa laga hirgeliyay qeyb gaar ah oo ay hooyooyinka ku umulaan iyadoo sido kale dayactir ballaaran la sameeyay.
Mid ka mid ah hooyooyinka arrintan ka faaiiday ayaa dareenkeeda warbaahinta sidatan ula wadaagtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here