DHAGEYSO:Safaricom Foundation oo barnaamij waxbarasho ka fulinaysa Tana River

Ugu yaraan 2,500 oo ka mid ah ardayda ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ayaa la filayaa inay ka faaiidaan barnaamij dhanka tacliinta ah oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda safaricom u qaabilsan caawinta bulshada ee Safaricom Foundation iyo ZiziAfrique.
Barnaamijkan ayaa loo yaqaanaa (ALP) waxaana looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo qaabka ardayda ay ugu fududaan karto wax akhrinta.
Waxaa sannadkii 2018 -kii lagu daahfuray ismaamulka Turkana halka sannadkan lagu bartilmaameedsan doono 40 dugsi oo ku yaalla Tana River .
Waxaa uu qorshuhu yahay in dabaqaayada sannadkan in laga billaabo dowlad deegaanka Bungoma ee galbeedka wadanka.
Mid ka mid ah macallimiinta Tana River oo lagu magacaabo Isaiah Madubi Garise ayaa faahfaahinaya waxyaabaha ardayda ay barnaamijkan ka kororsadeen.

Shalet Wario waxay ka mid tahay ardayda wax ka barta dugsiga hoose dhexe ee Joy waxayna sheegaysa in markii hore aynan aqoon wax akhrinta balse barnaamijkan uu u suurtageliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here