DHAGEYSO:Safaricom oo ku biirtay dhaqdhaqaaqa lagu caawinayo naafada

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa ka mid noqotay dhaqdhaqaaqa loogu magacdaray The Valuable 500 oo ah mid u ololeyaa danaha dadka uunan lixaadka u dhameystirneyn.
Waxaa ololahan qeyb ka ah madaxda fulinta ee hay’adaha ka shaqeeya in naafada ay kaalin muhiim ah ku lahaadaan hoggaanka ganacsiga,arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
Safaricom ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee ka howlgasho gudaha dalka iyo middii Afaraad ee Afrika ee tallaabadan qaaddo.
Dhaqdhaqaaqan ayaa u taagan in hoggaamiyaasha dhanka ganacsiga saameynta ku leh iyo shirkadahooda inay fursado siiyaan 1.3 bilyan oo naafo ah oo ku nool dacallada caalamka.
Waxaa xubno ka ah in ka badan 250 shirkadood oo ka shaqeeya 26 wadan.
Sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii barnaamijkan lagu soo bandhigay kulanka sannadlaha ee dhaqaalaha adduunka.
Madaxa fulinta ee shirkadda Safaricom Michael Joseph ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iyadoo laga duulaya sinnaan la’aanta iyo saboolnimada ay wajahayaan naafada ay kaalin weyn ka qaadan doonaan in fursad buuxda loo siiyo qorshayaasha horumarineed ee bulshooyinka ay ku dhex noolyihiin.
Dhanka kale Safaricom ayaa shaaca ka qaadday in Edward Opiyo Oluoch oo ah macallin wax ka dhigo dugsiga sare ee gabdhaha ee Nyamonye ee deegaanka Bondo, ismaamulka Siaya uu noqday guulaystaha shanaad ee adeegga Lipa na M-pesa.
Waxaa lagu abaalmariyay guri ka kooban saddex qol oo ku yaalla xaafadda Riruta ee Nairobi.
Reuben Keitany, Samuel Gathiru , Salma Maxamad iyo Joseph Kipkurui ayay horay shirkadda ugu abaalmarisay inay aad u adeegsadeen Lipa na M-pesa.
Mid ka mid ah guulaystayaasha shirkadda Safaricom oo warbaahinta la hadashay ayaa dareenkeeda sidatan u muujisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here