DHAGEYSO:Safiiradda Cusub ee Soomaaliya ku matasha Switzerland oo la soo dhaweeyay

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa xalay xaflad soo dhaweyn ah u saameysay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya u magacaabatay wadanka Switzerland Abyan Maxamed Saalax.
Qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee wadankaas ayaa si diirran u soo dhaweeyay safiiradda waxayna sheegeen inay la shaqeyn doonaan iyada iyo howlwadeenada safaaradda ee ay hoggaamiso.
Sido kale waxaa ay xuseen inay raja weyn ka qabaan inay wax badan u qabato bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadamada Switzerland iyo Austria.

Safiiradda , Abyan Maxamad oo dhankeeda hadal kooban jeedisay ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay waxayna xustay in dhawaan baasabooro la bixin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here