DHAGEYSO:Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka hadlay xaalada Soomaalida wadanka Shiinaha ku nool.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalad Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha,halkaas oo uu ka dilaacey Cudurka Coronavirus iyo eedeyn loo jeediyey Safaarada oo ku saabsanaa inay ka gaabiyeen wax u qabashada dadkaasi.
Waxaa uu sheegay in xaalada Caafimaad Somaalida tirada ku sugan dalka Shiinaha ay tahay mid hagaagsan,markastana ay ka warqabaan,hayeeshee ay jiraan wadamo Soomaaliya oo kale ah oo dadkooda ay dowladdo kale ka caawiyeen in loo qaado.
Waxaa uu sheeegay in dadkii laga qaadey shiinaha la geeyey xerooyin qaxooti aan munaasab ku aheyn,isla markana ay u baahnaayeen daryeel kala duwan,balse dowladda Soomaaliya aysan awoodin caqabado dhowr ah oo jira aawgood.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha waxaa uu sheegay inay jiraan dalal kamid ah kuwa deriska la ah Soomaaliya balse ka dowlad ahaan ay dadaaleen macquulna aysan noqoneyn in dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Shiinaha dalka dib loogu soo celiyo.

Hadalka Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay la hadleen qaar kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Shiinaha ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dayacday,isla markaana ay Go’doon ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here