DHAGEYSO:Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan oo Xilkiisa la Wareegay.

Magaalada Khartoum ee Caasimada dalka Sudan ayaa lagu qabtay Munaasabad uu Xiliisa kula wareegayay Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u fadhinaya dalka Suudaan Maxamed Isxaaq ibraahim waxana Munaasabadaasi ka qayb Galay Howladeenada Safaarada,Ganacsato iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool dalka Sudan.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan ayaa sheega in Sii hayihii hore ee Safaarada Soomaaliya Waxyaabo badan uu Qabtay waxa dhimana inuu dhamaystiro ay u Rajaynayaan Safiirka Cusub.
Waxay Sidoo kale sheegeen inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan Safiirka cusub iyo kooxdiisa.

 

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Sudan ayaa gabagabadii munaasabada wuxuu sheegay inuu u istaagayo ka shaqaynta iyo ilaalinta danaha qaranka iyo Haybada Calanka Soomaaliyeed.
Sidoo kalena uu ku dadaalayo inay Safaarada,Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan waxka baxtay iyo Ganacsataduba ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan oo dhanka wada shaqaynta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here