DHAGEYSO:Samburu oo lagu qabtay kulan wacyigelin oo ku saabsan BBI

Magaalada Maralal ee ismaamulka Samburu ayaa waxaa ka dhacay kulan dadweynaha lagu wacyigelinayay muhiimadda ay leedahay taageeridda iyo dhaqangelinta warbixinta uu 27-kii bishii 11-aad ee sannadkii hore uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa madasha ka soo qeyb galay ilaa 6000 oo qof.
Shacabka ayaa fursad loo siiyay inay soo jeediyaan arrimaha ay doonayaan in lagu daro warbixinta kama dambeyska ee BBI waxayna soo hadal qaadeen arrimaha ammaanka gaar ahaan la tacaalidda dhaca xoolaha la dhaqdo.
Sido kale waxay doonayaan in la soo dhiso wasaarad gaar ah oo ka shaqeysa danaha dhalinyarada.
Xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Galbeedka Samburu Naisula Lesuda ayaa ka hadashay dadaalada ay wadaan iyo dalabaadkooda ku aaddan BBI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here