DHAGEYSO:Saraakiil ka Tirsan Asluubta Soomaaliya oo la dalacsiiyay

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaciyey dalacsiinta saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan ciidanka Asluubta oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu dhawaan Dalacsiiyay kuwaasoo darajooyinkooda la guddoonsiiyay.
Munaasabadaan ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,Taliyihii ka Horeeyay ahna Maareeyaha hay’adda dhismaha Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale ayaa waxaa lagu dalacsiiyay 23 Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno oo uu ugu horeeyo Gaanshaanle dhexe Suleymaan Maxamad Axmad Dulmi diid kaddib markii la sheegay inuu Dalacsiin ta Gaanshaanle dhexe ku Mutaystay Daacadnimada uu Qarankiisa ugu adeegayay.
Maareeyaha hay’adda Dhismaha Soomaaliyeed iyo taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay Saraakiisha dalacday waxayna ku booriyeen inay sii laba Jibaaraan Howlaha Muhiimka ah ee ay Qaranka u Hayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here