DHAGEYSO:Saraakiisha Xoogga Soomaaliya oo ka warbixiyay howlgalkii ay kula wareegeen deegaanka Bariirre.

Waxay mudo hal Todobaada ka Soo wareegtay markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaanka Bariire ee gobolka shabeelada Hoose halkaasoo mudo ay gacanta ku hayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.
C/raxmaan Sheikh Cumar waaTaliyaha hogaaminayay ciidamada la wareegay deegaanka Bariirre ee gobolka shabeelada Hoose wuxuuna Saraakiisha howlgalkaas qaaday kula dardaarmay Ciidamada inay howlgalada ay ku jiraan ku ilaaliyaan hantida iyo nafta shacabka Soomaaliyeed isagoo dhanka kalena Tilmaamay inay Sii wadayaan howlgaladaan si ay u gaadhaan deegaanada Awdheegle,mubaarak iyo Janaale oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here