DHAGEYSO:Senatarka ismaamulka Narok oo la xiray

Waxaa xabsiga loo taxaabay senatarka dowlad deegaanka Narok ,Ledama Ole Kina oo loo haysto hadal la qoonsaday oo uu jeediyay.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI ayaa Mr. Ole Kina qabtay xilli uu ka soo tagayay xarunta warbaahinta Royal Media ee magaaladatani Nairobi.
Waxay wararku intaas ku darayaan in la geeyay saldhigga booliska ee xaafadda Kilimani oo hadda su’aalo lagu weydiinaya.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta Kenyaanka ee (NCIC) ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay qabashada Senatarka.
Qoraalka NCIC ayaa lagu sheegay in siyaasigan wax laga weydiin doono hadal uu yiri 19-kii bishan xilli uu barnaamij ka qeyb qalayay taasoo loo arkay naceyb iyo xaqirid isir ku saleysan.
Guddiga ayaa intaas ku daray in hadalka Senatarka uu xamaasad ka dhex abuuray bulshooyinka wada dega Narok taasina ay wax u dhintay xasiloonida.
NCIC ayaa dhanka kale hoggaamiyaasha siyaasadeed uga digtay jeedinta hadalada keeni karo kicin dadweyne oo ay diiradda saaraan geedisocodka arrimaha BBI ee lagu mideynayo dadweynaha.
Sido kale madaxda ayaa lagu wargeliyay in BBI aynan ahayn arrin la doonayo in loo adeegsado muujinta awoodda siyaasadeed.
Guddoomiyaha NCIC Dr. Samuel Kobia ayaa shacabka Kenyaanka ah ugu baaqay inaynan u dhaga nuglaan hadallada naceybka ku saleysan ee siyaasiyiinta lagu eedeya inay jeediyaan sido kalena ay sii wadi doonaan xoojinta isdhexgalka dadweynaha.
Qareennada Senatarka ayaa sheegay inay maxkamadda aadayaan si ay dowladda ugu qasbaan inay Ledama siidayso.
Senatarka ayaa xilligii la qabanayay dareenkiisa sidatan u muujiyay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here