DHAGEYSO:Senatarka Kakamega oo wacad ku maray inuu mowqifkiisa beddeli doonin

Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa wacad ku maray in dhibaato kasta oo loo gaysto uunan marnaba diyaar u ahayn inuu beddelo go’aanka uu kaga soo horjeestay hannaanka dakhli qaybsiga ee ismaamullada.
Mr. Malala oo xalay la geeyay saldhigga booliska ee Mumias ayaa diiday inuu xabsiga gudaha u galo kaddib markii ay ku amreen ciidamada ammaanka.
Waxaa uu sheegay inuu safar ku jiray sideed saacadood sidaas awgeedna uu aad u daalay.
Malala ayaa carrabka ku adkeeyay inaan laga diiwaangelin saldhigga oo lagu khasbay oo keliya inuu xabsiga galo taasoo uu diiday.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka ay ku wargeliyeen oo keliya inuu jabiyay amarrada dowladda ee lagula tacaalaya faafitaanka cudurka COVID19 xilli uu shacabka u qaybiyay gacmo nadiifiyaha loo yaqaano Sanitizer.
Hasa ahaate waxaa uu ku doodaya in howshaas ay dowladdu u xilsaartay oo xita saraakiisha ammaanka ee Mumias ay ka war qabeen.
Senatarka Malala ayaa xalay ku adkeystay in loo soo bandhigo shahaado muujinaysa in xabsiga la buufiyay si uunan u saameyn fayraska corona.
Qareenka senatarka oo warbaahinta u warramay ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Ciidamada booliska ee ismaamullada Bomet iyo Samburu ayaa lagu soo warramayaa inay damiin ku siidaayeen senatarradii kale ee lala qabtay Cleophas Malala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here