DHAGEYSO:Senatarka Nairobi oo Kenyaanka ka raali geliyay inuu jebiyay amarka bandowga

Senatarka ismaamulka Nairobi Johson Sakaja ayaa maanta tagay saldhigga booliska ee xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi wuxuuna sheegay inuu berri maxkamadda iska xaadirin doono.

Sakaja ayaa habeenimadii ay sabtida soo galaysay la qabtay isaga iyo eedeysanayaal kale oo boolisku ay sheegeen inay ku sugnayeen goob lagu caweeyo.
Waxaa gacanta lagu dhigay abaare 1-dii habeenimo iyadoo loo haysto inuunan u hoggaansamin amarka ah inaan bannaanka lagu sugnaan Karin wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo.
Bandowga oo shaqeeya ilaa 4-ta aroornimo ayaa dalka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada ay dowladda dhexe ku xakameynayso faafitanka fayrska corona.
Mr. Sakaja oo Kenyaanka ka raali geliyay khaladka uu sameeyay ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuu khaldamay sidaas awgeedna uu qaadanayo mas’uuliyad shakhsiyeed oo uu diyaar u yahay in laga qaado tallaabada sharciyeed ee ku habboon.
Mr. Johnson Sakaja, senatarka ismaamulka Nairobi ayaa dhanka kale iska casilay xilka guddoomiyaha guddiga aqalka sare u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID-19 ee dalka.
Sido kale mas’uulkan ayaa xusay in qof kasta uu khaldami karo oo aynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in ciidamada booliska ay cabsi geliyeen xubnaha qoyskiisa taasoo sida uu hadalka u dhigay aan loo baahneyn.
Sakaja ayaa hoosta ka xarriiqay inuu mas’uul yahay oo uunan marnaba baxsad ahayn sida dadka qaar ay ku andacoonayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay
Waxaa uu beeniyay inuu saraakiisha ammaanka u caga jugleeyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here