DHAGEYSO:Senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala oo maanta ka hor ilmeeyay aqalka sare

Senator-ka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa maanta ka hor ilmeeyay aqalka senetka xili su’aalo laga weydinayay eedeyn horay loogu soo jeediyay ee ahayd inuusan u hogaansamin amarka Corona Virus.
Senetar Malal waxaa uu ilmadu cishan waayay ka dib markii gudiga senetka uu ka hor sheegay inay naftiisa halis ku jirto oo ay dad daba socdaan kuwaas oo doonaya inay khaarijiyaan sida uu sheegay.
Waxaa uu sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo loo soo diray.
Senetarka Kagamega ayaa markii uu maanta ka soo hormuuqday Guddiyada Senate-ka ee Caddaaladda, Arrimaha Sharciga iyo Xuquuqda Aadanaha ,Amniga Qaranka, Difaaca iyo Xiriirka Dibadda ayaa si weyn uga codsaday inay ilaalo badan siiyaan .
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Hillary Mutyambai iyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka George Kinoti ayuu warqad u qoray waxaa uuna u sheegay in si qarsoodi ah loogu diyaariyay kooxo khaarijin ah oo ayna naftiisa halis ku jirto.
Waxaan ahay aabe da’yar ah waxaan leeyahay xaas waxaana matala shacab dhan oo reer Kakamega ah waxaan idin ogaysiinayaa inay nafteeyda halis ku jirto hadii aan Kenya dhan ku wareego ama xita aan Kakamega dhexmarayo waxaan ogahay inaan dhimanayo .
Cidina diyaar uma ahan inay isiiso amniga Mudane Gudoomiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here