DHAGEYSO:Senetarkii hore ee Machakos oo ka digay in xildhibaanada gunnooyinka loo kordhiyo

79

Johnson Muthama oo horay u soo noqday senetarka ismaamulka Machakos ayaa xildhibaanada baarlamaanka dalka ku dhaliilay inay danaha iyaga u gaarka ah ka hor marinayaan midda guud ee Kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inaynan suurtagal ahayn in mudanayaasha loo kordhiyo lacagaha gunnooyinka ee ay qaataan iyadoo shacabkii soo doortay ay wajahayaan culeys dhanka maciishadda ah.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayuu ugu baaqay inuunan saxiixin soojeedin ku aaddan in xubnaha baarlamaanka dalka loo kordhiyo lacagaha ay gunnooyin ahaan u qaataan.
Muthama ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasiyiinta dalka marka la barbardhigo kuwa dalalka kale ee caalamka ay kaalimaha ugu horeeya kaga jiraan dhanka qiimaha musharaadka iyo gunnoyinka la siiyo sidaasi awgeedna aan loo baaheyn in howshaasi uu dhaqaale dheeraad ah ku baxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here