DHAGEYSO:Senetka oo amray in la baaro lacagaha Covid-19 ee ismaamullada

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan cudurka Covid-19 ayaa ugu baaqay hanti dhowraha guud ee qaranka Nancy Gathungu inay sameeyso baaritaan khaas ah oo ku saabsan sida 47-da ismaamul ay u adegsadeen lacagaha loogu talagalay inay kula dagaalamaan cudurka Covid-19.
Waxay codsadeen in baaritaanka laga soo billaabo maalinkii ugu horeysay ee dalka laga diiwan galiyay caabuqa corona oo ahayd bishii Saddexaad ee Maarso 13-keedi ilaa 31-dii bishii Toddobaad ee sannadkan.
Waxyaabaha hantidhowrka laga doonayo inay baaritaanka ku sameeyo waxaa kamid ah qiyaasta lacagta ay heleen ismaamulada gaar ahaan howlaha la xiriira covid-19 iyo akoonka bangi ee dowladda dhexe ugu soo shubtay lacagta.
Ms. Gathungu ayaa sidoo kale laga doonaya inay soo cadeeyso in lacagahan loo isticmaalay si waafaqsan qorshayaasha shaqada ee la ansixiyay, sida wax soo ibsiga iyo tababarada.
Aqalka sare ayaa ka sugayaa hanti dhowrka inuu dib ugu soo celiyo warbixin ku aadan in lacagahan si khaldan loo adeegsaday ama inay jirto habacsanaan dhanka maareynta kheyraadka.
Ms. Gathungu ayaa la siiyay ilaa afarta bisha sagaalad ee sannadkan si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiso senetka.
Guddigan ayay shaqadoodu tahay inay dusha kala socdaan oo ayna la xisaabtamaan dowladda dhexe iyo ismaamulada gaar ahaan maareynta kiisaska iyo dhaqaalaha lagula tacaalaya Covid-19 ee saameynta yeeshay.
Bishii shanaad ee May ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in kenyaanka lala wadaagayo faahfaahin ku saabsan qiimaha lacag walbo oo la isticmaalay iyo halka lagu isticmaalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here