DHAGEYSO:Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo qalab caafimaad gaarsiisay Isbitaalka Banaadir

Senator Samsam Daahir Maxamuud oo ka tirsan xubnaha aqalka Sare ee Baarlaamka Soomaaliya ayaa qalab Caafimaad waxay ku wareejisay maamulka Isbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo dhalaanka.
Qalabkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu aad ugu Baahnaa Isbitaalka sidoo kalena wax badan ka taraya howlaha muhiimka ah ee Isbtibaalku u hayo shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir DR Fartuun Shariif Maxamed ayaa u mahadcelisay Senetor Zamzam oo isbitaalka qalabkaan ku wareejiyay.
Iyadoo sheegtay in labada Gole ee Baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowlada Looga Baahan yahay inay garab istaagaan Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir oo adeegyo bilaash ah siiya bulshada Soomaaliyeed.

Senetor Zamzam Daahir Maxamuud Xoghayaha gudiga hormarinta adeega Bulshada iyo arimaha binu aadamnimada ee golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in Maamulka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir uu mudan yahay Garab istaag joogto ah maadaama uu wax badan ka badalay kuna so kordhiyay adeegyada muhiimka ah ee markasta ay u baahan yihiin shacabka Soomalaiyeed Xiligastana uu si jooga ah u fuliyo waxyaabaha aas-saasiga ah ee bulshada u baahan tahay gaar ahaan dhalaanka iyo hooyooyinka.

Waa markii labaad oo Senetor Zamzam Daahir Maxamuud Xoghayaha gudiga hormarinta adeega Bulshada iyo arimaha binu aadamnimada ee golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ay qalab kala duwan gaarsiinayso isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here