DHAGEYSO:Shacab buundo dhistay kaddib markii biyo jareen wadadii ay mari jireen

Shacabka ku nool Xaafadda Buulo-Xuubeey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxay Sameeyeen Buundo ay isaga kala gudbaan xaafadahooda kaddib markii ay biyo fara badan gooyeen waddooyinka degmadaasi.
Qaarka mid ah shacabka isxilqaanka Sameeyay ee Waddooyinku ka xirmeen kadibna Buundada Samaystay ayaa warbahinta la hadlay waxayna sheegeen inay dhibaato ku qabaan waddooyinka ay biyuhu xireen ayagoo Maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabtaan Saamaynta biyuhu ku yeesheen Marinada Wadooyinka Caasimada Muqdisho.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegay in biyaha wabigu soo buux dhaafeen ayan boqolaal qoysas ah barakaceen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay xaalad aad u daran ka jirto degmada Afgooye iyo Tuulooyinka hoos yimaada wuxuuna ku baaqay in xaaladda degmada Afgooye si deg deg ah wax looga qabto.

Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa dhanka kale laga soo sheegayaa inay halkaas ka jirto Xaalad Caafimaad Darro ah kaddib markii wabiga Shabeelle uu ku fatahay deegaano badan biyuhuna ay muddo toddobaadyo ah Magaalada dhex fadhiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here