DHAGEYSO:Shacabka deggan dhulalka dowladda ee Hobyo oo lagu amray inay ka guuraan

Maamulka magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa soo saaray amar Cusub oo la xiriira dhulka oo ku socda dadka shacabka ee deggan gudaha Magaaladaas.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa waxaa shacabka hobyo deggan lagu amray in ay baneeyaan dhulkii ay laheyd dowladda Federaalka ee ku yaalla halkaas oo dadka qaarkood ay dhisanayaan.
Sidoo kale Shacabka deggan dhulalka ay leedahay dowladda ayaa waxaa lagu amray inay uga guuraan muddo 30 maalmood oo ayna ka qaataan wax kasta oo ka yaalla.
Ciidanka amniga magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la faray inay burburiyaan guri kasta oo laga dhistay dhulalka dowladda marka uu dhammaado waqtiga loo qabtay dadka shacabka ah ee dhulalka deggan.
Wariyaha idaacadda Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa wareystay guddoomiyaha magaalada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali wuxuuna weydiiyey baahida keentay in dadka shacabka dhul ay degganaayeen oo ah kan dowladdu leedahay in lagu amro inay ka guuraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here