DHAGEYSO:Shacabka deggan keynta Mau oo baaq u diray madaxweynaha

Qoysaska deggan keynta Mau ee ismaamulka Narok ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu ku dadaalo sidii looga hor tagi lahaa in sida ay hadalka u dhigeen loo gaysto barakicin saameyn karta noloshooda.
Waxay doonayaan inaan la dhaqangelin go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha deegaanka kaasi oo ah in dhawaan la billaabayo wajiga labaad ee howlgalada keyntaasi looga saarayo dadka sida sharci darrada ah ku degay.
Sido kale siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha dowladda waxayna sheegeen inaynan marnaba suurtagal ahayn in laamaha ammaanka ay guda galaan waxa ay ugu yeereen barakicin dadweyne.
Xildhibaanka deegaanka Belgut, Nelson Koech ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka halkaasi deggan aynan meelna u socon.

Dhanka kale g uddiga arrimaha deegaanka ee baarlamaanka dalka ayaa u yeeray wasiirka deegaanka , Keriako Tobiko si wax looga weydiiyo qorsho dowladeed oo muran dhaliyay.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda ay sheegtay inay billaabayso wajiga labaad ee howlgalada keynta Mau ee ismaamulka Narok looga saarayo in ka badan 60,000 qof oo halkaasi deggan.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha deegaanka ee golaha sharci dejinta Kareke Mbiuki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in howlgalada qorsheysan aan si buuxda looga wada tashan.
Wasiirka ayaa sido kale looga fadhiyaa inuu faahfaahin ka bixiyo guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray wajigii koobaad ee badbaadinta keynta Mau.
Waxyaabaha mas’uulkan wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah saameynta laga cabsi qabo in tallaabada dowladda ay ku yeelato in ka badan 4,000 oo arday ah maadaama dugsiyada dib loo furayo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha deegaanka Keriako Tobiko ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda dhexe aynan qeyb ka ahayn in lacago magdhow ah la siiyo dadka deggan keyntaasi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadkaasi ay si sharci darro ah ku dageen sidaasi awgeed mar dhow halkaasi laga rari doono.
Tobiko ayaa digniin adag u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka kicinayaan .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda ay dadka ku nool keynta Mau ay u qabatay muddo 60 maalmood ah .
Waxaa laga doonaya inay si iskood ah halkaasi u banneeyaan haddii kale la barakicinayo iyadoo dadka qaar ay go’aansadeen inay halkaasi isaga guuraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here