DHAGEYSO:Shacabka Garissa oo loo jeediyay digniin ku aaddan arrimaha dhulalka

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan qaar ka mid ah dadweynaha ku nool dowlad deegaankaasi oo si sharci darro ah isaga qabsanaya dhul aynan dowladdu u oggolaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in xita dad ku sugan caasimadda dalka ee Nairobi ama qurbaha ay dhaqaale ku bixiyaan sidii ay dhul ugu yeelan lahayeen Garissa iyadoo taasi qaabka habboon aan loo marin.
Mr. Dhaqane ayaa xusay inay jirto waax gaar ah oo u xilsaaran maareynta arrimahan sidaasi awgeedna dadweynaha laga doonayo inay u hoggaansamaan xeerarka ku qeexan dastuurka dalka u degsan.
Barasaab ku xigeenka Garissa waxaa uu sheegay in tallaabo adag laga qaadayo qofkii meel aynan dowladda u sharciyeynin iska qabsada ama oota waxaa uuna yiri.

Dhanka kale waxaa uu baaq u diray beeraleyda iyo shacabka deggan agagaarka webiga Tana River inay halkaasi isaga soo baxaan si aynan saameyn ugu yeelan fatahaado maadaama webiga uu karkaarada jabsaday.

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in dowladda dhexe ay caawin doonto dadka ay saameeyaan daadadka.
Mr. Wamalwa ayaa xusay in dowladda ay ceel biyood dhowr ah ka sameyn doonto ismaamulada Marsabit, Turkana iyo galbeedka Pokot si xal loogu helo biyo yarida soo noqnoqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here