DHAGEYSO:Shacabka gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya Muqdisho ayaa soo dhaweeyay xeerka matalaadda gobolka Banaadir ee shalay ay Meelmariyeen golaha shacabka.
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Sabtidii ayay 142 xildhibaan codkooda ku taageereen in gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya Muqdisho oo xildhibaanada aqalka Sare ku yeesha 13 Xubnood oo lagu Salaynayo dadka gobolkaas deegaan ahaa ka soo jeeda,waxayna shacabka Caasimadu sheegeen inay Tahay Talaabo aad u wanaagsan loona baahnaa.

Sidoo kale Waxgaradka gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay ansixinta hindise sharciyeedka matalaadda gobolka ee golaha shacabku ay meel mariyay.
Waxay sheegeen waxgaradku in gobolka Banadir uu madan tahay tiro ka badan 13 balse ay tahay bilow wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here