DHAGEYSO:Shacabka Habasweyne oo loogu baaqay inay amniga ku dadaalaan xilliga imtixaanka

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan arrimaha ammaanka ee magaalada Habasweyne ee deegaanka Koonfurta ismaamulka Wajeer Mr. Simon Mutisa ayaa shacabka ugu baaqay inay saraakiisha kala shaqeyaan ammaanka xilliga lagu guda jiro imtixaanka qaranka ee iskuulka sare ee KCSE-da oo dhawaan billaaban doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhanka kale arday kasta oo dhameeyay dugsiga hoose dhexe ee dalka uu u gudbi doono dugsiga sare sida uu yahay qorshaha dowladda.
Mas’uulkan ayaa arimahan ka hadlay xilli shalay magaalada Sabuli ee Koonfurta Wajeer loogu dabbaaldehayay xuska maalinka qaran ee halyeeyada wadanka.
Waxaa uu dadweynaha ku booriyay inaynan carqaladeynin arimaha imtixaanaadka .

 

Sido kale guddoomiye xaafadeedyada ayuu ku amray inay soo aruuriyaan macluumaadka ardayda sameynaya imtixaanka fasalka sideedad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da si loo xaqiijiyo in sannadka cusub dhammaan ay dugsiyada sare ku biiraan isagoo wacad ku maray in tallaabo laga qaadayo mas’uulkii aan taasi dhaqangelin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here