DHAGEYSO:Shacabka Isiolo oo ka hadlay kiis la xiriira coronavirus oo ismaamulkaas laga xaqiijiyay

Kaddib markii galinkii dambe ee shalay ay wasaaradda caafimaadka ee dalka shaacisay in ismaamulka Isiolo laga xaqiijiyay hal kiis oo ah coronavirus ayay qaar ka mid ah dadweynaha dowlad deegaankaas walaac muujiyeen.
Cudurka ayaa laga helay qof ka mid ah ganacsatada Garbatula oo safar ku yimid magaaladatani Nairobi kaddibna 30-kii bishii hore halkaas dib ugu laabtay .
Maalmo uu karantiil ku jiray kaddib ayay dowladda shaacisay in qofkaas uu ka mid noqday dadka uu haleeyay cudurka covid-19.
Qaar ka mid ah shacabka Isiolo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in horay aynan aaminsaneyn inuu cudurka jiro balse hadda kaddib ay si buuxda ugu hoggaansamayaan amarrada dowladda iyo talooyinka wasaaradda caafimaadka

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Herman Shambi ayaa sheegay inay dadaalkooda laba jibaarayaan oo xita la yareynaya howlaha gaadiidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here