DHAGEYSO:Shacabka Islii oo muujiyay dareenkooda ku aaddan sannadguurada labaad ee kulankii Uhuru iyo Raila

Waxay maanta ku beegan tahay sannadguuradii labaad ee ka soo wareegatay taariikhdii ay kulmeen sido kalena heshiis taariikhi ahaa ay gaareen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga.
Qaar ka mid ah shacacabka xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wixii kulankaas ka dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka waxayna ku doodayaan in dalka uunan ka maarmin mucaarad awood leh oo dowladda la xisaabtamo.
Wakiil wareedka idaacadda ee Nairobi Farxaan Cali Mukhtaar ayaa warbixintan ku eegaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here