DHAGEYSO:Shacabka Jowhar oo ka hadlay saamaynta Cudurka Covid 19

Mid ka mid ah shacabka Jowhar

Ayadoo deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka oo dhan uu Saameyn weyn ku yeeshay cudurka Covid19 ayaa shacabka ku nool Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe waxay ku booriyeen dadka Soomaaliyeed inay feejignaan dheeraad ah ka yeeshaan halista cudurka.

Dhanka kale Maamulka Isbitaalka Guud ee degmada cadaado gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay halkaas dad badan ugu Geeriyoodeen cudurka Corona sidoo kale ay jiraan kuwo kale oo wali la ildaran cudurkaan dilaaga ah.
Howlwadeenada isbtibaalka Cadaado ayaa sheegay in dadkaas badankoodu ay Geeriyoodeen kadub markii uu dhaqasku ku dhagay iyagoo xusay in dhamaantood ay lahaayeen calaamadaha cudurka lagu garto.
Gudiga ka hortaga Fayraska Corona ee degmada cadaado oo goordhawayd Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Cadaado ayaa waxay kaga hadleen dadka cudurka Covid 19 ugu dhinta magaalada Cadaado iyo kuwa wali isbitaalka u jiifa.
Madaxa Caafimaadka degmada Cadaado Dr Cabdi Fooljaawe iyo agaasimaha guud ee isbityaalka cadaado DR C/risaaq Qaareey ayaa waxay si wada jir ah uga warbixiyeen xaaladihii ugu danbeeyay ee Xanuunka Covid 19 ee Magaalada Cadaado.

Gudoomiyaha degmaada cadaado C/lahaai Xaseen tootoole ayaa sheegay inay awaamiir cusub soo saareen wixii maanta ka danbeeyana si dhab ah loogu dhaqmi doono maadaam cudurku hada u muuqdo mid bulshada si weyn ugu dhex faafay.

Taliyaha ciidanka Booliska degmada Cadaado ayaa isna goobta ka hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here