DHAGEYSO:Shacabka Kiambu oo dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan hadallo dhawaan ay siyaasiyiin jeediyeen

Dadweynaha ku nool deegaanka Gatundu ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka ayaa sameeyay mudaharaad ay ku dalbanayaan in la soo afjaro hadallada siyaasiyiinta ee rabshado sababi karo .
Waxay sheegeen in aynan marnaba sax ahayn in la aflagadeeyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa .
Dadweynaha ayaa xusay in aan xilligan la joogin wakhtigii siyaasad lagu mashquuli lahaa balse madaxda laga doonayo inay diiradda saaraan u adeegidda shacabka.
Waxay muujinayaan sida ay kaga xunyihiin hadal lagu tilmaamay kicin dadweyne oo sabtidii la soo dhaafay uu jeediyay xildhibaanka deegaanka Emurua Dikirr ee ismaamulka Narok iyo sido kalena falcelin ku aaddaneyd uu sameeyay dhigiisa Kapsaret Oscar Sudi.

Oscar Sudi oo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka dalbaday in hadii uusan dowladda maamuli karin uu baneeyo xafiiska ayaa dhankiisa ku adkeystay inuusan raali gelin bixin doonin hadalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here