DHAGEYSO:Shacabka Kitui iyo Machakos oo walaac ka muujinaya Ayaxa

Dadweynaha ku nool ismaamullada Kitui iyo Machakos ayaa walaac ka muujinaya saameyn uu ku yeeshay Ayaxa oo ku degay qeybo ka mid ah deegaanadaas.
Galinkii dambe ee shalay ayaa la soo tabiyay in cayayaankan lagu arkay magaalada Mwingi.
Waxaa tani ka sii horreysay in Ayaxa uu ku degay deegaanada waqooyiga iyo bariga Mwingi.
Shacabka dowlad deegaanadan ayaa sheegaya inuu beeraha ku wareegay oo ay ka cabsi qabaan inay la soo daristo cunno yari.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool tuulada Masaku ee ismaamulka Machakos ayaa sheegay in iyadoo ay jirta arrinta BBI haddana la doonaya in si weyn loola tacaalo Ayaxa si loo badbaadiyo daaqa, dhirta iyo dallagga beeraha.
Muwaadiniinta ayaa su’aal geliyay miro-dhalka dadaalada ay dowladda dhexe waddo maadaama Ayaxa uu meelo hor leh u sii gudbaya.

Waxaa horay lagu arkay ismaamullada Garissa, Wajeer, Mandera, Samburu, Meru, Marsabit iyo Baringo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hay’adda beeraha iyo cunnada adduunka ee FAO ay sheegtay in Ayaxa uu saameyntii ugu badneyd muddo 70 sano ah ku haya Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here