DHAGEYSO:Shacabka Marsabit oo biyo la’aan ka cabanaya

Waxay cabasho ka soo yeeraysaa dadweynaha ku nool ismaamulka Marsabit oo sheegaya inay haysato caqabad dhanka biyaha ah.
Shacabka ayaa dalbanaya in dowladda dhexe iyo midda ismaamulka ay fuliyaan ballanqaad ay sameyeen xilligii ololaha doorashadii hore.
Waxay sheegayaan in hadda cagga biyaha ee 20-ka liitar ay ku iibsanayaan 50 shilin.

Xildhibaanka deegaanka Saku ee ismaamulka Marsabit Cali Dido Rasso ayaa maamulka talada haya ee Jubilee ka codsaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan wax kaga qabto dhibaatada biyo la’aanta ee ay shacabka ka cabanayaan

Barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali ayaa xilligii olalaha doorashada ee 2017-kii shacabka u ballanqaaday inuu dhibaatada biyo la’aanta xallin doono muddo hal sano gudaheed ah.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa isna xilligaas ballanqaadkan sameeyay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here