DHAGEYSO:Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Xubnaha aqalka sare laga siiyay

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay sida ay u arkaan in xubnaha aqalka sare lagu Qaybiyo qaabka beelo qaybsiga ee Soomaaliya.
Shacabka ayaa sheegay inaysan u arkayn in muqdisho la siiyay Maqaam gaar ah maadaama xubnaha loo qoondeeyay lagu salaynayo maamu goboleedyada Soomaaliya ka jira.

Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BFS ayaa shalay kulankoodii soo gabagabeeyey, waxayna warbixintooda ku saabsan Afarta Xeer ee loo xilsaaray u gudbin doonnaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xubnaha Guddigaan Xeerka ay soo diyaariyeen ayaa waxaa kujira metelaada Aqalka sare uu ku yeelan doono gobolka Banaadir,kaasoo markii ugu horeeysay laga siiyay 7 Xubnood.
7 Xubnood ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare waxaa lagu dooran doonaa habka 4.5 ee Beelaha, iyadoo Aqalka Sare lagu kordhinayao Xubno ka dheeri ah inta uu hadda yahay.
waxaana go’aan kama danbays ah ka gaari doona hoggaanka sare ee Soomaaliya sidoo kale meel marintooda waxaa looga baahan doona wax ka bedel Dastuurka oo laga rabo Baarlamaanka Labadiisa Aqal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here