DHAGEYSO:Shacabka Nairobi oo ka ra’yi dhiibanaya shaqooyinka laga wareejiyay ismaamulka Nairobi

Deegaannada kala duwan ee Nairobi waxaa ka socdo shirar dadweynaha ay aragtidooda uga dhiibanayaan tallaabada dawladda dhexe ay kula wareegtay qaar kamid ah hawlaha Nairobi
Dadweeynaha ku nool ismaamulka Nairobi ayaa maanta oo Arbaco ah aragtiyadooda ka dhiibanaya shaqooyinka lala kala wareegay.
Shacabka 17-ka deegaan baarlamaaneed ee ismaamulka Nairobi ayaa aragtiyadooda ku gudbinaya shirar lagu qabanayo dhammaan deegaanadasi.
Shirarka ayaa waxaa soo qaban qabisay oo sido kale fududeesay wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka.
Shirkan oo bilaawday subaxnimadii hore ee maanta ayaa la soo gabagabeeyn doonaa 1-da duhurnimo.
Qaar kamid ah hawlaha ay la wareegtay dawladda dhexe oo ay kala saxiixdeen wasiirka dawlad wadaajinta dalka Eugene Wamalwa iyo barasaabka Nairobi Mike Sonko ayaa waxaa kamid ah hawlaha caafimaadka, gaadiidka, hawlaha guud iyo qorsheeynta ismaamulka.
Heshiiskan oo lagu saxiixay aqalka madaxtooyada dalka ee State House ayaa waxaa sido kale goob joog ka ahaa madaxweynaha qaranka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dadka ku nool deegaanada Waqooyiga Dagoretti iyo Koonfurta Dagorotti ayaa waxaa ay aragtiyadooda uga dhiiban doonaan xaruumaha kala ah Muslim Primay School iyo Waithaka Social hall.
Waxaa xaafadda islii ee deegaanka Kamumunji lagu qabtay munaasabad shacabka fursad loo siinayay inay muujiyaan dareenkooda ku aaddan ilaa afar shaqo oo dhawaan dowladda dhexe ay kala wareegtay ismaamulka Nairobi.
Wakiil wareedka idaacadda ee caasimadda dalka Farxaan Cali Mukhtaar ayaa warbixintan ku eegaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here