DHAGEYSO:Shacabka Nakuru oo madaxweynaha ugu baaqay inuu xalliyo nidaamka dakhli qaybsiga

Dadweynaha ku nool ismaamulka Nakuru ayaa madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu ku dadaalo sidii xal kama dambeys ah looga soo saari lahaa doodda in muddo ah ka taagneyd aqalka sare.
Dooddan ayaa ku saabsan nidaamka saddexaad ee ay ismaamullada ku qaybsanayaan 316.5 bilyan oo shilin.
Shacabka Nakuru ayaa sheegaya inaan loo baahneyn kala qaybsanaanta arrinkan la xiriirta ee senatarrada.
Waxay soo jeediyeen in xoogga la saaro sidii looga hor tagi lahaa in dowlad deegaanada qaar ay dhaqaale lumiyaan halka kuwo kalena ay faa’iidayaan

Dhanka kale siyaasiyiinta ismaamulka Turkana oo ay ka mid tahay wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaas Joyce Emanikor ayaa ka digay in la dhimo dhaqaalaha Turkana.
Waxay sheegeen inaynan caddaalad ahayn in lacago laga jaro deegaano horay ugu dambeeyay dhanka horumarka.
Mas’uuliyiintan ayaa wacad ku maray inaynan taageeri doonin isbeddelka guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI hadii miisaaniyadda dhaqaale ee Turkana la soo farageliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here