DHAGEYSO:Shacabka oo ka ra’yi dhiibtay warbixinta BBI

Qaar ka mid ah shacabka dalka ayaa dareenkooda ku biiriyay hadal haynta ka dhalatay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI oo lagu wado in maanta si rasmi ah loo soo bandhigo.
Dadweynaha ayaa ku kala aragti duwan warbixinta waxayna qaarkood sheegayaan inay dalka u horseedeyso culeysyo dheeraad oo dhanka hoggaanka ah.
Sidoo kale waxaa jiro qaybo ka mid ah bulshada oo aaminsan in warbixintu ay xal u tahay xoojinta midnimada iyo wadajirka .

Madaxda siyaasadeed oo ay hor kacayaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , ku xigeenkiisa William Ruto iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa dadweynaha kula taliyay in qof kasta uu akhriyo oo uu fahmo qodobbada ku xusan warbixinta maanta Kenyaanka lala wadaagaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here