DHAGEYSO:Shacabka oo loogu baaqay inay si shakhsi ah u akhristaan warbixinta BBI

Madaxda siyaasadeed ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta ayaa Kenyaanka ku booriyay inay si shakhsi ah u akhriyaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Dadweynaha ayaa looga digay inay fasiraadda qodobbada ku xusan ka sugaan siyaasiyiinta si aan loo marin habaabin.
Xildhibaanka deegaanka Voi Jones Mwagogo Mlolwa iyo wakiilka haweenka ee Taita Taveta Lydia Haika ayaa sidoo kale guddiga BBI u soo jeediyay inuu xaqiijiyo in shacabka ku nool degmooyinka iyo deegaanada hoose ee wadanka ay dhammaan heleen nuqullada warbixinta .
Mudanaha Voi ayaa xusay in soo jeedinta warbixinta BBI ee ah in dhaqaalaha ay dowladda dhexe u qoondeyso ismaamullada ee ah boqolkiiba 15 in laga dhigo 35 ay tahay arrin la soo dhaweeyo .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyaal ahaan ay warbixinta akhrinayaan kaddibna shacabka la wadaagayaan sida saxda ah ama qodobbada isbeddelka u baahan.
Madaxda siyaasadeed ayuu ku booriyay inaysan ka soo horjeedsan waxyaabaha guddiga BBI uu soo saaray iyagoo aan si buuxda u fahmin.
Wakiilka haweenka ee Taita Taveta ayaa dhankeeda wax laga xumaado ku tilmaantay soo jeedinta ah in xilalka wakiillada haweenka ee ismaamullada meesha laga saaro maadaama sida ay hadalka u dhigtay faa’iidooyin badan laga dhaxlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here