DHAGEYSO:Shacabka Shabeellada dhexe oo dhib ku qaba imaanshaha Muqdisho

Kaddib markii Biyaha wabiga ay gooyeen wada isku xirta Magaalooyinka jowhar iyo Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ayaa shacabka Ku Nool Magaalada jowhar Waxay dhibaato weyn ku qabaan Imaanshaha Magaalada Muqdisho waxayna Bilaabeen inay doomo ka soo Raacaan Magaalada Jowhar ay ku imaadaan Balcad kaddibna ay halkaas Gaari ka soo raacaan si ay Xamar u gaaraan.
Dadka Rakaabka ah iyo kuwa doomaha kaxaynaya ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan sidoo kalena laga cabsi qabo in doomuhu wabiga dhexdiisa kula gaddoomaan.
Shacabka Jowhar Gaar ahaan kuwa doomaha kaxeeya ayaa sheegay inuu Qarash badan kaga baxo ilaa ay ka gaarayaan magaalada Balcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here