DHAGEYSO:Shacabka Tharaka Nithi oo ka hadlay amar lagu soo xiraya barasaabka ismaamulkaas

Dadweynaha ku nool ismaamulka Tharaka Nithi ayaa ku kala aragti duwan amar dhawaan ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka (DPP) Nuurdiin Xaaji oo ah in gacanta lagu dhigay barasaabka dowlad deegaankaas Muthomi Njuki.
Muthomi iyo saraakiil kale ayaa lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 34.9 miluan oo shilin.
Qaar ka mid ah ayaa aad u soo dhaweeyay go’aanka Nuurdiin Xaaji ee lagu soo xiraya guddoomiyaha halka kuwo kalena ay sheegeen inuu yahay mid siyaasadeysan.

Guddoomiyaha iyo eedeysanayaasha kale ayaa lagu eedeeyay in si aan caadi ahayn uu qandaraas la xiriira mashruuc dhanka nadaafadda ah uu u bixiyay .
Sida laga soo xigtay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda ,Westomaxx Investments Limited, oo ah shirkad soo gudbisay dokumeentiyo been abuur ah ayaa la siiyay qandaraaska .
Nuurdiin Xaaji ayaa hadda doonayaa in la soo qabto shakhsiyaadka kala ah Onesmus Muthomi Njuki – Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi
Fridah Muthoni Murungi – madaxa waaxda deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
Floridah Kiende Nywigah – Ku simaha Agaasimaha soo iibsiga agabka
Highton Muriithi Njue – Sarkaalka Maaliyadda
Gawaarida Lee Mwenda Munene – madaxa waaxda Wadooyinka, Kaabayaasha iyo Guriyeynta iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here