DHAGEYSO:Shacabka Thika oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Dadweynaha ku nool deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ayaa walaac ka muujinaya saameyn ka soo gaartay shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen dhakhaatiirta.
Howlwadeenada caafimaad ee ka shaqeynayay isbitaalka weyn ee Thika ayaa muddo saddex toddobaad ah gadoodsan.
Waxay ka cabanayaan inaysan weli qaadan mushaaraad ay u xaq leeyihiin.
Bukaannada ayay dantu ku khasabtay inay daryeel caafimaad ka raadsadaan isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay tani oo culeys dheeraad ah ku keentay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here