DHAGEYSO:Shacabka Trans Nzoia oo walaac ka muujinaya kiisaska corona ee kordhay

Dadweynaha ku nool ismaamulka Trans Nzoia ee galbeedka dalka ayaa walaaca ka muujiyay xaaladaha caabuqa coronavirus ee maalimihii ugu dambeeyay ku sii badanayay gudaha dalka.
Waxay sheegeen in dowlad deegaankaas ay ka jirto habacsanaan badan oo la doonayo in wasaaradda caafimaadka ay wax ka qabato.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayay u sheegeen inay aad uga cabsi qabaan in xaaladaha COVID19 ay halkaas ku sii kordhaan maadaama shacabka ay u muuqdaan kuwo fududeysanaya halista cudurka.
Sidoo kale waxay xuseen in ciriiri badan oo dhanka isku socodka dadweynaha ah uu ka jiro ismaamulkaas iyadoo aan la kala fogeyn

Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka ee dalka shaacisay in 21 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah laga diiwaangeliyay ismaamulka Trans Nzoia .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here