DHAGEYSO:Shacabka xaafadda islii oo loogu baaqay inay ka faaiidaystaan baaritaanka cudurka covid-19

Waxaa xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi maalinkii saddexaad ka socdo baaritaan wadareed ku aaddan cudurka dalka iyo dunidaba saameeyay ee covid-19
Baaritaanka ayaa maanta lagu sameynayaa wadada 12-aad ee xaafadda waxayna u muuqataa in soomaalida si iskood ah isugu soo saaraya si loo baaro ay tiradoodu ka hooseysa midda bulshooyinka kale .
Mid ka mid ah dadka cudurka laga baarayay ayaa idaacadda Star FM u warramay

Axmad Maxamad oo ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee xaafadda ayaa faahfaahin ka bixinaya baaritaanka socdo.

Waxaa uu sido kale dadweynaha ku boorriyay inay fursaddan ka faaiidaystaan oo ay u soo baxaan in cudurka Covid-19 laga baaro

Dhanka kale baaritaannada ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ,maxay diinta islaamka ka qabtaa arrinkan .
Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo aan su’aashan u bandhignay ayaa ku jawaabay .

Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka shaacisay 24 ah kiisaska cusub ee coronavirus waxaana ka mid ahaa 10 laga diiwaangeliyay xaafadda islii oo ilaa iyo hadda lagu arkay 21 kiis.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa coronavirus ee gudaha dalka laga xaqiijiyay ayaa hadda ah 435 .
Waxaa cudurka covid-19 ka bogsaday 152 halka dadka u dhintay ay yihiin 22.
Guud ahaan dalka waxaa isbitaallada ku jiro 214 bukaanno oo mid ka mid ah ay xaaladiisa caafimaad liidato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here