DHAGEYSO:Shan qof oo ku dhimatay shil ka dhacay ismaamulka Bomet

Shan qof oo labo ka mid ah ay yihiin carruur ayaa ku dhintey halka 13 kale ay ku dhaawacmeen shil arrornimadi hore ee saaka ka dhacay Kipsoen oo ah wado dhexmarta  ismaamulada Bomet iyo Narok
Hal qof ayaa isla goobta ku dhintay halka afarta kale ay uu geeriyoodeen dhaawacyadi ka soo gaaray shilka
Gaariga shilka galay ayuu noociisa ahaa caasi ama matatu kaasi oo ay ku safri karaan ilaa 14 qof oo rakaab ah waxaana lahayd shirkada Egesa Shuttles.
Baabuurkan ayaa ka tagay magaalada Nairobi waxaa uuna ku sii jeeday Kisii .
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalka matatu-da waday uu isku dayay inuu ka uu leexdo laba baabur oo madaxa isla galay balse uu xakameyn waayay kaddibna uu gaddoomay
Taliyaha saldhigga booliska ee bartamaha Bomet Musa Omari ayaa sheegay in darawalka uu ka mid ahaa dadkii dhaawacmay balse xaaladdiisu aynan halis ahayn.
Wuxuu intaas ku daray,in booliska ay sugayaan in darwalaka uu ka soo kabsado dhaaawici shilka ka soo gaaray isla markaana uga warbixiyo sidii wax u dhaceen.
Wuxuu sheegay in dadka dhaawacmay lagu daaweynayo isbitaalka Longisa halka laba kalena loo qaaday isbitaalka Tenwek Mission si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Mr Omari ayaa ammaanay dadkii u soo gurmooday dadka waxyeelada ka soo gaartay shilka, isagoo faahfaahin ka bixinaya dhacdadaasi ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here