DHAGEYSO:Shaqaalaha Garoonka Adan Cade oo Banaanbax dhigay

Qaar kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta waxaay dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan mid kamid ah Shirkadaha ka howlgasha Garoonka Adan Cade.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Rag dhalinyaro ah ayaa waxaay sheegeen inay ka cabanayaan Rag Ajaanib ah oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga , ayna ula dhaqmayaan si Cadaalad darro ah.
Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka maqan tahay xaquuq Aas’aasi ah oo ay shirkadda ku leeyihiin sidoo kalena ay Shaqeeyaan waqti ka badan mudadii Shaqada ee lagu heshiiyay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkadda ay u Shaqeynayaan ay soo mareen Madax kala duwan,isla markaana midba midka kale uu ka daran yahay ayna dhibaato culus kala kulmaan labada Nin oo africaan ah oo Arimaha shaqaalaha uga Wakiil ah raga shirkada madaxda ka ah.

Shaqaalahaan ka tirsan Madaarka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Adan Cade Waxay ugu baaqeen Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed iyo Madaxda Sare ee dowladda Federaalka inay arrintaan soo farageliyaan,isla markaana ay ka jawaabaan cabashada ay ka qabaan Shirkadda ay u Shaqeynayaan ee ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Dhowr jeer oo hore ayaa qaar kamid ah Shaqaalaha ka howlgalla dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayeen xaquuq ka maqan iyo dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmaan Ajaanibta ka howlgasha walow markii dambe xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here