DHAGEYSO:Shaqaalaha isbitaalka qaran ee dalka oo shaqa joojin bilaaway

Shaqalaha isbitalka qaran ee dalka ayaa shaqa joojin bilaabay maanta kaddib marki ay sheegeen in loo sameyn mishaar kordhin loo balanqaaday.
Shaqaalaha ayaa waxaa ay sheegeen in qalabkooda uu dhulka sii yaali doono ilaa inta cabaashadooda laga meel marinayo.
Dhakhaatiirtan oo iskugu jira kalkaaliyaal ayaa ka kooban tiro ka sareyso 4,000 waxayna guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee (SRC) ku eedeeyeen in uu ku guul dareystay ansixinta lacag dhan 301 milyan taas oo aay aqalka barlamanka saxiixay sannadkii 2012-kii
Xoghahaya guud ee ururka kalkaaliyaasha dalka ee (KNUN) Seth Panyako, ayaa sheegay in muushaarka dhaqaitirta cisbitaalka qaran ee dalka kordhin lagu sameyn tan iyo sanadkii 2012-kii isagoona intaa ku daray in shaqaalaha aysan wax kulan ah la sameyn doonin dowladda si khilaafka xal looga gaaro.
Hal qof ayaa lagu soo waramaya inuu ku dhintay isbitaalka Kenyaatta xilii uu bukaankaas waayay daryeel caafimaad.
Waa kuwaan qaar ka mid ah dhakhaatiirta oo cabashadooda ka hadlaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here