DHAGEYSO:Shaqaalaha Mandera oo lagu wargeliyay inaynan shaqa tagin

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee dowlad deegaankaas ku wargeliyay inay guriyahooda iska joogaan oo aynan iska soo xaadirin xarumaha ay ka howlgalayeen.
Mr. Roba ayaa arrintan u aaneeyay cabsi dhanka ammaanka ah.
Go’aanka barasaabka ayaa yimid wax yar un kaddib markii Onesmus Kyatha oo dowladda dhexe Mandera ku matalo uu dadweynaha u xaqiijiyay in amniga magaalada si weyn loo sugay.
Isniintii ayay ahayd markii isku dhacyo dhanka degmada Beledxaawo oo daris la ah Mandera ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay xasilooni darro ka dhalatay.
Guddoomiyaha ismaamulka Mandera ayaa hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiinta iyo shacabka laga doonayo inay xaaladda taagan si dhow ula socdaan.
Waxaa uu intaas ku daray in waaxyaha ismaamulkaas ay xirnaan doonaan waxan ka ahayn caafimaadka iyo qeybta dab damiska.
Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah qaaddo oo ay gudaha Mandera ka saarto wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo ciidamo taabacsan.
Shalay ayay ahayd markii wakiilada ismaamulka Mandera ay dowladda dhexe u qabteen 24 saacadood hadii kale ay mudaaharaad sameynayaan.

Haddaba waa sidee jawiga guud ee Mandera, wariyahayaga Maxamad Cabdiqaadir Brem ayaan goor dhowayd wax ka weydiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here