DHAGEYSO:Shaqsiyaadka guryahooda ku haysta dadka shabaab ka tirsan oo digniin loo diray.

Gudoomiyaha Maxkamada Saree Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in deegaannada kala duwan ee dalka Soomaaliya ay ku badan yihiin xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isas-soo dhiibay, qaarkoodna la aan marsiin sharciyadii loogu talo galay oo ay ka mid tahay in dadkaasla diiwana galiyo kadib Marka ay ka soo goostaan ururla AL-shabab ee ay horay uga Tirsanaayeen.
Waxaa uu sheegay in dhinaca kale ay jiraan xildhibaano iyo sarakiil ka tirsan Dowladda oo guryahooda ku haaya Xubno ka tirsanaa Shabaab balse isas-soo dhiibay, iyagoo aan la diiwaangelin soona marin sharciyadii loogu talo galay.
Gudoomiyaha Maxkamada Saree Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow oo ku sugan Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in marnaba aan la aqbala doonin in Xildhibaan, Sarkaal iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay guryahooda ku haayan Xubno ka tirsanaa Shabaab, iyagoo aan la diiwaangelin,waxaana uu sheegay in mas’uuliyiintaas ay la mid yihiin Al-Shabaab.

 

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Saree Ciidamada Qalabka sida ayaa ku soo aadaya ayadoo bilooyinkii ugu danbeeyay xubnihii ugu badanaa oo ka Tirsan dagalaameyaasha ay isku soo dhiibayeen Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kadib markii ay go’aansadeen inay shabaabka isaga baxaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here