DHAGEYSO:Sharci muhiim ah oo dowlada Soomaaliya Hirgalisay.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaay yeelaneysaa Sharciga duulista rayidka,oo aan Soomaaliya waligiisa laga Hirgalin ilaa laga soo bilaabo markii wadanku madax banaanidiisa qaatay sanadkii 1960-kii.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa sheegay in Soomaaliya aysan waligeed yeelan sharci wax walba u dhameysiran yihiin oo ku saabsan duulista Rayidka,hayeeshee uu jiray mid kooban oo soo saarey dowladii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, iyadoo aan la ansixin aay dowladii ku dhacday.
Waxaa uu intaasi ku darey in Sharcigaan uu muhiim u yahay guuda ahaan dalka Soomaaliyeed,isla markaana uu la jaan qaadayo sharciyada Caalamiga ah oo ay ku Shaqeeyaan Dowladaha Caalamka gaar ahaan sharuucda Duulista.

Sharciga duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa wareegto kusoo saarey Madaxweynaha Soomaaliya muddo hadda laga joogo Afar Biilood,isla markaana waxa shalay oo Sabti aheyd ansixiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayadoo uu sidaas ku noqonayo sharci Rasmi ah oo ka mid noqonaya sharuucda uu dalku leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here